LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Shan siyaabood oo aad u ilaalin karto caafimaadka kalyahaaga iyo waxa aad sameyn lahayd

 

Kalyuhu waa xubno muhiim ah oo ka shaqeeya sifeynta dhiigga, iska saaridda sunta iyo qashinka jirka iyo dheelitirka biyaha iyo macdanta. Haddii kalyuhu dhaawacmaan, waxay sababi karaan dhibaatooyin halis ah oo nolosha saameeya. Sidaas darteed, waa muhiim in aan daryeel gaar ah siino caafimaadka kalyaha. Hoos waxa ku xusan shan siyaabood oo aad ku ilaalin karto caafimaadka kalyahaaga iyo waxa aad sameyn Lahayd:



1. Cab biyo kugu filan maalintii

Faahfaahin: kalyuhu waxay si fiican ushaqeeyaan marku jidhku helo biyo ku filan.
Biyuhu waxay ka caawiyaan in sunta iyo wasakhda kaadi ahaan uga baxaan jidhka.
Waxaad sameyn lahayd: cab ugu yaraan 6-8 koob oo biyo nadiif ah maalintii, gaar ahaan marka aad dareemayso kulayl ama aad jimicsi sameynayso.

2. Cun cunto caafimaad leh oo cusbo yar

Faahfaahin: cuntooyinka cusbada badan waxay kor uqaadaan cadaadiska dhiigga, taas oo dhaawici karta kalyaha. 
Waxaad sameyn lahayd: cun khudaa, midho, kalluun iyo cunto dufan yar leh. Yaree cusbada, sonkorta iyo cuntooyinka warshadaysan sida chips-ka ama cuntooyinka qasaacadaysan.

3. Samee jimicsi joogto ah 

Faahfaahin: jimicsigu waxa uu kaa caawinayaa in la xakameeyo cadaadiska dhiiga iyo misaanka, taasoo kalyaha ufiican.
Waxaad sameyn lahayd: soco ama samee jimicsi fudud ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii, shan maalmood usbuucii.

4. Ka fogow sigaarka iyo cabista khamriga

Faahfaahin: sigaarka iyo maandooriyeyaasha waxay dhawacaan xididdada dhiigga iyo shaqada kalyaha.
Waxaad sameyn lahayd: haddii aad isticmaasho sigaarka ama khamriga, raadi taageero caafimaad si aad uga tagto. Joojintoodu waxay sare u qaadaysaa caafimaadka guud ee jidhkaaga.

5. Samee baadhitaano caafimaad si joogto ah 

Faahfaahin: baadhitaanada dhiigga iyo kaadida waxay kaa caawinayaan in si hore loo ogaado cudurro sida sonkorowga ama cadadiska dhiigga oo waxyeelayn kara kalyaha.
Waxaad sameyn lahayd: Tag xaruun caafimaad ugu yaraan hal mar sanadkii si laguu baadho. haddii aad qabto dhibaatooyin caafimaad, la tasho dhakhtarka si deg deg ah.

Gunaanad
Ilaalinta caafimaadka kalyuhu waa masuuliyad qof walba saaran. Hab-nololeed caafimaad leh ayaa kaa caawin kara inaad kalyahaaga caafimaadkooda ilaaliso muddo dheer. Ku dadaal biyo cabis, cunto fiican, jimicsi , joojinta sigaarka iyo baadhitaano joogto ah si aad uga hortagto cudurrada kalyaha.



Post a Comment

0 Comments