LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dareemayaasha maskaxdu sida ay u shaqeeyaan.



Dareemayaasha maskaxda (Neurons) waxay u shaqeeyaan sidan:

1. Dareem (stimulus):
Marka jidhka ama maskaxdu dareemto sida iftiin, cod, taabasho, ama xanuun- dareemayasha ayaa "dareema"

2. Fariin koronto ah ayey sameeyaan (electrical signal):
Dareemuhu wuxuu abuura fariin koronto ah (signal) oo lagu magacaabo action potential.

3. Fariintu waxay u gudubtaa xadhigga dareemaha (axon):     
Fariintaasi waxay ku socotaa xadhiga dheer ee ka tirsan unugga dareemaha oo loo yaqaan axon.

4. Fariintu waxay gaadhaa neuron kale (synapse)
Dhammaadka axonka, fariintu ma gudbi karto si toos ah. Waxaana la sii daaya neurotransmitters (kiimikooyin) si ay ugu gudbaan neuron kale.

5. Neuron-ka kale ayaa qabta fariinta:
Unugga dareemaha ee xiga wuxuu qaataa neurotransmitters-ka wuxuuna sii wataa fariinta -taas oo keenta fikir, xasuus, dhaqaaq, ama falcelin jidh ahaaneed.
■ Ujeedada dareemayaashu waa:
● inay isgaadhsiyaan farriimaha maskaxda iyo jidhka.
● inay ka caawiyaan maskaxda xasuus, fikir, hadal iyo dhaqaaqa.
● inay ka jawaaban waxyaabaha bannaanka ka imanaya sida xanuun ama cabsi.

■ Tusaale Fudud:
● marka aad gacan ka gubato, dareemaha gacanta ayaa dira fariin.
● Fariintu waxay tagtaa maskaxda.
● maskaxda ayaa markaa dirta fariin ah in aad si deg deg ah gacanta uga qaadid dabka.


Post a Comment

0 Comments