Kalayaha Bini'aadamku waa laba xubnood oo muhiim ah oo ku yaalla dhabarka hoose, labada dhinac ee laf-dhabarta. waxay qabtaan shaqo aad muhiim u ah oo ah inay sifeeyaan dhiiga, oo ka saaraan sunta iyo wasakhda jirka, isla markaana xakameeyaan dheelitirka biyaha iyo macdanta jidhka.
■: Sida kalyuhu ushaqeeyaan:
1. Sifeynta dhiigga (filtration)
Dhiigga ka yimaada jidhka intiisa kale wuxuu soo maraa kalyaha. Dhiiggan waxa ku jira sun, xaddi badan oo milix ah, iyo maaddooyin kale oo jidhku u baahnayn. Qaybta kalyaha ugu muhiimsan ee shaqada qabata waa nephron- kuwaas oo gaadhaya ilaa hal milyan.
Sunta iyo walxaha aan jidhku u baahnayn waxa laga soo saaraa dhiigga, waxaana laga dhigaa kaadi (Urine), kaadidaas waxay sii Martaa tuumbooyinka ureters, waxayna tagtaa kaadi-haysta (bladder) ilaa laga kaadiyo.
3.Dheelitirka Biyaha iyo Macdanta (Homeostasis):
Kalyhuu waxay xakameeyaan xaddiga biyaha, milixda (sodium), potassium, calcium iyo maaddooyin kale si uu jidhku u shaqeeyo si caadi ah.
4.Cadaadiska Dhiigga:
Kalyuhu waxay soo dayaan hormone lagu magacaabo renin oo caawiya in la xakameeyo cadaadiska dhiigga.
5.Soo-saarista Hormoonada:
● Erythropoietin: kalyuhu waxay soo saaraan hormonkan si uu u kiciyo dhuuxa lafaha si ay usameeyaan unugyada cadaanka dhiiga (RBC)
● Calcitriol: waa nooca firfircoon ee vitamin D, kaasoo ka caawiya jidhka in uu nuugo Calcium.
Gunaanad:
Kalyuhu waa mishiinka sifeeya jidhka. Haddii aysan si fiican ushaqeynin, sunta iyo wasakhda ayaa ku uruuri kara jidhka, taasoo keeni karta dhibaatooyin caafimaad oo halis ah sida kalyaha oo shaqayn waya. (Renal failure)
0 Comments