Hordhac
Vitamin D waxaa loo yaqaan Vitamin-ka qorraxda. "Sababtoo ah jidhkeenu wuxuu si dabiici ah u sameeyaa marka maqaarku la kulmo iftiinka qorraxda. Laakin dad badan ayaa maanta ku dhibtoonaya in ay helaan qaddarka ku filan ee Vitamin D sababo la xidhiidha nolosha magaalooyinka, shaqooyinka gudaha lagu qabto, iyo cunooyinka aan hodanka ku ahayn Vitamin-kan muhiimka ah. Halkaas ayeyna muhiimadda Vitamin D Supplements ka soo baxaysaa.
Maxaa Vitamin D Muhiim u yahay?
Vitamin D wuxuu door muhiim ah ka ciyaara dhowr shaqo oo jidhka ah, oo ay ka mid yihiin:
● 💪Xoojinta lafta iyo ilkaha - wuxuu caawiyaa in jidhku si fiican u nuugo Calcium iyo phosphorus.
● 🧠Horumarinta caafimaadka maskaxda - cilmi baadhis ayaa muujisay in heerarka hoose ee Vitamin D ay xidhiidh la leeyihiin niyad-jabka iyo daalka.
● 🦠Xoojinta difaaca jidhka - wuxuu caawiyaa ka hortagga cudurrada sida hargabka iyo infekshannada kale.
Calaamadaha lagu garto yaraanta Vitamin D
.jpeg)
Dadka badankoodu ma oga in ay ku yaraatay Vitamin D, laakin calaamadaha caanka ah waxaa ka mid ah:
● Daal joogto ah
● Murqo xanuun
● Dhiig la'aan ama madax wareer
● Niyad jab ama hurdo la'aan
Haddii aad isku aragto calaamadahaas, waxaa fiican in aad la tashato dhakhtar si laguugu sameeyo baadhitaan dhiig.
Faa'iidooyinka Vitamin D Supplements
Marka jidhkaagu helo Vitamin D Supplements ku filan, waxaa kuu furmaya Faa'iidooyin badan sida:
● Xoojinta lafaha iyo murqaha
● Difaaca jidhka oo xoog bata
● Caafimaadka wadnaha oo wanaagsanada
● Dhiig wareeg wanaagsan
● korodhka tamarta
Noocyada Supplements-ka Vitamin D waxaa ka mid ah Vitamin D2 (ergocalciferol) iyo Vitamin D3 (cholecalciferol), waxaana cilmi-baadhayaashu sheegeen in D3 uu yahay midka si fiican uga shaqeeya jidhka.
Sidee loo qaataa Vitamin D Supplements?
● Qaado maalin kasta ama todobaadkii hal mar sida uu ku faro dhakhtarkagu.
● Cuntooyinka hodanka ku ah Vitamin D sida kalluunka salmon, ukun.
● si joogta ah ugu soo bax qorraxda subaxdii 10-15 daqiiqo.
Talooyin muhiim ah
1. Haka badin qaddarka uu dhakhtarku kuu qoray - Vitamin D badan wuxuu sababi karaa dhibaatooyin caafimaad sida calool xanuun ama kelyaha oo dhibaatoobay.
2. Had iyo jeer akhri calaamadaha iyo tilmaamaha ku yaal dhalada Supplements-ka.
3. Haddii aad tahay qof haween ah oo uur leh, cunug yar, ama qof waayeel ah, la tasho dhakhtar ka hor intaadan bilaabin.
Gabagabo
Vitamin D Supplements waa lama huraan haddii aadan heli karin qorraxda ama cunnooyinka ku filan. Waxay kaa caawinayaan inaad ilaaliso caafimaadka lafaha, maskaxda iyo wadnaha. Jidh caafimaad qaba waa maal adduun!
Haddii aad rabto inaad ogaato Supplements-ka Vitamin D ee ugu fiican suuqa maanta, akhri reviews-ka cusub ee aan ku Faafaahin doono boggan - si aad u doorato mid tayo leh oo ay shirkado sumcad leh sida nature made, Now foods, ama solgar ay soo saareen.
livethelittlethings
#thatsdarling
#pursuepretty
#myunicornlife
#documentyourdays

.jpeg)
.jpeg)
0 Comments