LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Magnesium Glycinate: Faaiidooyinka, Isticmaalka, iyo Sida Loo Qaato

Magnesium waa macdan muhiim u ah jidhk, waxaana loo baahan yahay in si joogto ah loo helo si loo taageero caafimaadka guud. Magnesium glycinate waa nooc ka mid ah Magnesium-ka la isku halleyn karo, sababtoo ah si fudud ayuu jidhku u nuugi karaa, isla markaana wuxuu leeyahay saameyn yar oo caloosha ah marka loo eego Magnesium kale.

Waa Maxay Magnesium Glycinate? 

Magnesium glycinate waa isku-darka Magnesium iyo amino acid glycine. Glycine waa amino acid muhiim u ah hab-dhiska neerfaha iyo hurdada. Isku darkani wuxuu ka dhigaa Magnesium-ka mid si fiican u nuuga, taasoo ka caawisa jidhka inuu ka faa'iideysto dhammaan faa'iidooyinka Magnesium.

Faa'iidooyinka Magnesium Glycinate 

1. Caawinta hurdada iyo Nasashada.

● Magnesium Glycinate wuxuu ka caawinayaa  dejinta maskaxda iyo jidhka, taasoo sahlaysa hurdada.

● Cilmi-baadhis ayaa muujisay in dadka isticmaala noocan ay si fiican u seexdan.

2. Xoojinta Murqaha iyo Lafaha 

● Magnesium waxay muhiim u tahay murqaha iyo lafaha caafimaadka qaba.

● Magnesium Glycinate wuxuu caawiyaa inuu ka hortago murqo xanuunka iyo calool xanuunka.

3. Yaraynta Walbahaarka iyo Xiisadda maskaxda

● Glycine-ku wuxuu leeyahay saameyn dejin maskaxeed ah.

● Isticmaalka Magnesium glycinat wuxuu ka caawinayaa dhimista walbahaarka iyo xoojinta niyadda.

4. Kordhinta Tamarta Jidhka

● Magnesium wuxuu muhiim u yahay hab-socodka tamarta ee unugyada.

● Isticmaalka Magnesium glycinat wuxuu ka caawinayaa yareynta daalka iyo kor uqaadista tamarta.

Sidee Loo Qaato Magnesium Glycinate

● Waxaa lagu talinayaa in la qaato 200-400 mg maalintii, iyadoo ku xidhan baahida jidhkaaga.

● waxaa fiican in laqaato cunto ay lasocoto si looga hortago calool xanuunka.

● mararka qaar dhakhtarkaaga ayaa kugula talin kara in aad kordhiso ama dhinto qiyaasta, iyadoo ku xidhan xaaladda caafimaad.

Maxaa Ka Dhiga Magnesium Glycinate Mid Ka Fiican Magnesiumta Kale.

● Nuugista Sare: jidhku si fudud ayuu u nuugi karaa, marka la barnardhigo Magnesium oxide ama citrate.

● Calool Xanuunka Yar: waxay yaraysaa suurtagalnimada shuban ama calool xanuunka.

● Habeyn Fudud: Waxay ka caawinaysaa dejinta neerfaha iyo hurdada, taasoo ka dhigeysa doorasho fiican dadka leh walbahaar ama hurdada liidata.

Talooyin iyo Digniin 

● Haddii aad leedahay xaalado caafimaad sida xanuunka kalyaha, la tasho dhakhtarka ka hor intaadan qaadan Magnesium glycinate. 

● Ha qaadan qiyaas ka badan tan lagula talinayo, sababtoo ah Magnesium-ka xad-dhaafka ah wuxuu keeni karaa shuban ama calool xanuun.

Gabogabo 

Magnesium Glycinate waa supplement muhiim ah oo faa'iido badan u leh hurdada, niyadda, murqaha, iyo tamarta jidhka. Waxay ku habboon tahay dadka raadinaya Magnesium si fudud loo nuugo iyada oo aan lahayn calool xanuun. Isticmaalka joogtada ah ee Magnesium glycinate wuxuu ka caawin karaa bulshada soomaaliyeed inay helaan nolol caafimaad leh oo firfircoon.
















"#bloggers #blogging #bloggingtips #problogging #blogpromotion #bloggerlife #bloggersgetsocial #bloggerproblems #ontheblog #linkinprofile #lifestyleblog #lifestyleblogger #thegirlgang #lbloggers #theblogissue #wordpress #instablog #instablogger #blog"

 https://www.lyricalhost.com/blog/the-500-best-instagram-hashtags-for-bloggers/#:~:text=%23bloggers%20%23blogging%20%23bloggingtips%20%23problogging%20%23blogpromotion%20%23bloggerlife%20%23bloggersgetsocial%20%23bloggerproblems%20%23ontheblog%20%23linkinprofile%20%23lifestyleblog%20%23lifestyleblogger%20%23thegirlgang%20%23lbloggers%20%23theblogissue%20%23wordpress%20%23instablog%20%23instablogger%20%23blog

Post a Comment

0 Comments