LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee maskaxdu u shaqaysaa?

 

Maskaxdu waa xaruunta koontaroolka ee jidhka bini'aadamka, waana xubinta ugu muhiimsan ee nidaamka dareenka (nervous system). Waxay ka kooban tahay qaybo badan oo wada shaqeeya si ay u xakameeyaan dhaq-dhaqaaqa, fikradaha, dareenka, xasuusta, hadalka, iyo dhamman hawlaha jidhka. 

Qaybaha ugu muhiimsan ee maskaxda. 

1. Cerebrum (maskaxda sare)

Waa qaybta ugu wayn maskaxda.

Waxay xakamaysa fikirka, dareenka, luqadda iyo go'aan qaadashada, xasuusta iyo dhaq-dhaqaaqyada miyir qabka ah. 

Waxa laga helaa laba qeybood (hemispheres): bidix iyo midig.

2.Cerebellum (maskaxda Hoose)

Waxay ka dambeysaa maskaxda.

Waxay xakameysaa isku dheelitirka jidhka iyo dhaq-dhaqaaqyada saxda ah.

3. Brainstem (Lafta Maskaxda)

Waxay isku xidhaa maskaxda iyi lafta dhabarka (spinal cord).

Waxay maamushaa shaqooyinka muhiimka ah sida neefsashada, garaaca wadnaha, iyo cadaadiska dhiiga.

■: Qaybta 2 Sidee maskaxdu u shaqaysaa?

1. Signal dirid (Neurons):

Maskaxdu waxay ka kooban tahay malaayin unugyo yar-yar oo layidhaahdo neurons. Neurons-ku  waxay dirayaan fariimo koronto iyo kiimiko ah si ay xogta ugu gudbiyaan qaybaha kala duwan ee jidhka.

2. Xog ururin iyo falcelin.

Maskaxdu waxay helaysaa fariimo ka imanaya dareemayaasha jidhka (sida indhaha, dhagaha, maqaarka,) ka dibna waxay falanqaysaa xogtaas si ay go,aan ugaadho - tusaale haddii aad tabato wax kulul, maskaxdu si degdeg ah ayey u amartaa gacanta in ay ka dhaqaaqdo.

3. Xasuus iyo Barasho.

Xasuusta iyo barashadu waxay ku saleysan yihiin xidhiidhka udhaxeeya neurons-ka marka aad wax cusub barato, neurons-ku waxay sameeyaan xidhiidho cusub (synapses) taas oo ah asaaska wax barashada iyo xasuusta.

■:Gabagabo.

Maskaxdu waa nidaam aad u cajiib badan, una  shaqeeya si aad u xariifsan. Waxay si joogto ah uqabata shaqooyin badan xitaa marka aan hurudno, waxaas si gaara iga hadli karnaa qayb kasta, sida xasuusta, fikirka, ama sida maskaxdu u ogolaato hadalka.

Post a Comment

0 Comments