LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Faa'iidada Khudaarta (Fruits and vegetables)




 Khudaartu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah cunnooyinka caafimaadka leh, waxayna leeyihiin faa'iidooyin badan oo jidhka u roon. Halkan waxa ku qoran qaar ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan:

1. Kobcinta difaaca jidhka (immune system)

Khudaartu waxay hodan ku yihiin fitamiinno sida vitamin C,A,E iyo macdano kale oo ka caawiya jidhka in uu iska difaaco cudurada.



2.Hagaajinta Dheef-shiidka (digestion)

Khudaartu waxay leeyihiin fiber oo muhiim u ah dheef-shiidka. Waxay ka hortagaan calool-istaaga (constipation) waxayna caawiyaan in ay calooshu si wanaagsan ushaqayso.




3.Caafimaadka Maqaarka iyo indhaha.

Khudaarta sida kaarootada waxay leeyihiin beta-carotene oo jidhku u badalo vitamin A, taas oo muhiim u ah caafimaadka araga iyo maqaarka.



 ■ 4. Miisaanka oo la maamulo. 

Khudaartu waxay inta badan ko kooban yihiin biyo iyo kalooriyo (calories) yar, markaa waxay ka caawisaa in misaanka jidhku si dabiici ah loo yareeyo ama loo ilaaliyo.





■ 5. Nolosha Wadnaha.

Cuntooyinka hodanka ku ah khadaarta waxay yareeyaan cadaadiska dhiiga, waxayna wanaajiyaan shaqada wadnaha, waxayna yareeyaan chalesterolka xun (LDL).


6. Faa'iidooyinka Maskaxda 

Khudaarta sida spinash, avocado, iyo blueberries waxay wanaajiyaaan xasuusta, niyadda,iyo firfircoonida maskaxda.




■Tusaalooyin khudaarta faa'iidooyinka badan leh:
Tufaax (Apple)
Kaarootada (carrot)
Yaanyo (tomato)
Canbaha (mango)
Muuska (banana)
Cinabka (Grapes)
Avocado.



Post a Comment

0 Comments