LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sida Cuntooyinka Caafimaadka leh u taageeran Caafimaaadka Guud ee Jidhka.


 Cuntooyinka caafimaadka leh waxay si toos ah u saameeyaan caafimaadka guud ee jidhka iyada oo ay jiraan dhowr siyaabood oo mihiim ah  oo ay kaga qayb qaataan taageeridda shaqada jidhka iyo ilaalinta caafimaadka guud. halkan waxa ku xusan dhowr hab oo cuntooyinka caafimaaadka leh u taageeraan caafimaadka jidhka.

1. Kor uqaadista Nidaamka Difaaca Jirka (Immune System).

Cuntooyinka caafimaadka leh waxay muhiim u yihiin xoojinta nidaamka difaaca jidhka, sida vitamin C (liinta, oranges), vitamin A (karootada) vitamin E (lawska, salid saytuunta), waxay caawiyaan difaaca jidhka iyada oo ay yaraynayaan halista cuduradda iyo infections ka. waxay sidoo kale ka hortagaan burburka unugyada ee ka dhasha cudurada, taasoo hagaajinaysa caafimaadka guud ee jidhka.

2. Dheeelitirka Heerkulka Jidhka iyo xakamaeynta Culayka.

Cuntooyinka caafimaadka leh sida khudaarta iyo digirta waxay kaa caawiyaan xakameynta culayska. waxay caawiyaan ilaalinta dheelitirka kalooriyada, isla markaana ay kordhiyaan qaadashada fiber-ka, taas oo kordhisa dareenka buuxsanaanta isla markaana yareynaya raadsashada cuntooyinka sonkorta leh iyo baruurta. tani waxay sido kale ka hortagta culayska xad-dhaaafka ah iyo khataraha caafimaad ee la xidhiidha sida sonkorowga iyo cudurada wadnaha.

3. Ka Hortaga Cudurada Wadnaha iyo Xididada.

Cuntooyinka caafimaadka leh waxay ka caawiyaan ilaalinta caafimaadka wadnaha.tusaale ahaan, cuntooyinka hodanka ku ah Omega-3 fatty acids sida kaluunka, lawska iyo avocada waxay gacan ka gaystaan in ay yareeyo heererka kolestaroolka xun (LDL) iyo in ay kordhiyaan kalestaroolka wanaagsan (HDL). tani waxay yareynaysa khatarta xanuunada wadnaha iyo xididada sida (wadne - xanuunka iyo stroke).

4. Tageeridda Xoojinta Lafaha iyo Muruqyada.

Cuntooyinka caafmaadka leh ee ku jira calcium iyo vitamin D, sida caanaha, yogurka iyon cuntooyinka ka kooban Zink, waxay ka caawiyaan dhismaha lafaha iyo adkaynta muruqyada. cuntooyimka kale ee hodanka ku ah magnesium iyo patessium sida lawska, ayaa sido kale muhiim u ah kor uqaadista caafmaadka lafaha iyo shaqada muruqyada.

5. Xoojinta Caafimaadka Maqaarka iyo Timaha.

cuntooyinka caafimaadka leh waxay ka caawiyaanka ilaalinta caafimaadka maqaarka, timaha iyo guud ahaan caafimadka maqaarka. cuntooyinka ku jira antioxidant sida vitamin C iyo vitamin E oo laga helo (lawska iyo avocado) waxay ka hortagaan dhibaatooyinka maqaaarka ee ay keento burburka unugyada sida gabogwga.

6. Hagaajinta Dheef-shiidka.

Cuntooyinka caafimaadka leh ee ka kooban fiber sida khudaarta, miraha iyo cereal ka buuxa waxay si wayn utaageeran dheef-shiidka. fiber-ku wuxuu kordhiyaa qaadashada biyaha ee nidaamka dheef-shiidka, taas oo ka caawisa in si habsami leh  loo nadiifiyo dheef-shiidka iyo in uu ka hortago calool fadhiga, xanuunka caloosha iyo arimaha kale ee la xidhiidha dheef-shiidka sida dhiig baxa caloosha.

Post a Comment

0 Comments