LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Faahfaahin Guud oo ku Saabsan Muhiimadda Cuntooyinka Caafimaadka leh.

 
Cuntooyinka caaafimaadka leh waa kuwo ka kooban nafaqooyin muhiim ah oo jidhku ubaahan yahay si uu u shaqeeyo si wanaagsan. cuntooyinka caafimaadka leh waxay si gaar ah uga qayb qaataan dhowr arimood oo muhim ah:

1.Kor u qaadista Tamarta:
Kuwa ka kooban carbohydrates iyo protein, waxay bixiyaan tamar joogto ah oo jirku ubaahan yahay si uu u shaqeeyo. tamartaas waxay ka timaadaa cuntooyinka sida khudaarta, miraha, hilibka caafimadka leh, iyo cerealka aan lagu darin sonkorta badan.
2. Daryeelka Caafimaaadka Qalbiga: Cuntooyinka caafimaadka leh, gaar ahaan kuwa leh fiitaminada iyo macdanta sida magnesium, potassium iyo fiber - ka, waxay gacan ka gaystaan ilaalinta caafimaadka wadnaha,
tusaale ahaan, cuntooyinka hodanka ku ah omega - 3 fitty acids, sida kalluunka, waxay ka hortagaan cudurada wadnaha iyo xididada.
3. Xoojinta Nidaanka Difaaca JIdhka:  Cuntooyinka caafimaadka leh sida kuwa ku jira fiitaminada A,C iyo E waxay ka caawiyaan xoojinta nidaamka difaaca jidhka (immune system) si uu si fiican uga hortago cudarada iyo infekshanada. Cuntooyinka ku jira khudaarta waxay siinayaan jidhka fiitamino kuwaas oo ka hortaga waxyeellada unugyada.
4. Maareynta Culayska: Cuntooyinka caafimaadka leh waxay ka caawiyaan in la ilaaliyo culayska caafimaadka leh. Cuntooyinka ka kooban fiber-ka sida khudaarta digirta iyo miraha waxay ka caawiyaan in xakameeyo rabitaanka cuntada, isla markaana ay yareeyan khatarta cudurada sida sonkorowga iyo dhiikarka.
5. Xoojinta Caafimaadka Isku-dhafan ee Jidhka: Cuntooyinka caafimaadka leh waxay qayb ka qaataan xoojinta muruqyada, kala - goysyada iyo lafaha. Cuntooyinka hodanka ku ah calcium sida caanaha iyo cuntooyinka kale ee dairy - ga - ah  waxay ka caawiyaan dhismaha lafaha iyo adkaynta muruqyada.
6. Caafimaadka Maqaarka iyo Timaha: Cuntooyinka caafimaaadka leh waxay leeyihiin samayn wanaagsan oo ku saabsan caaafimaadka maqaarka iyo timaha. Cuntooyinka leh vitamin C (sida liinta) iyo vitamin E (sida lawska iyo saliid saytuunka) waxay ka caaawiyaan maqaarku in uu ahaado mid caafimaad leh, isla markaana ay yareeyaan calaamadaha gabowga. 

Post a Comment

0 Comments