Waqtiga habeenkii dad badan ayaa isu diyaarinaya inay seexdaan, shaqo cusub ayaa u bilaabmata kuwa kale, oo ay ku jiraan dhakhaatir, kalkaaliyaal caafimaad, saxafiyiin, shaqaalaha garoonka diyaaradaha, shaqaalaha warshadaha, shaqaalaha amniga, iyo kuwa kale oo ku shaqeeya xiliyada isbedelka shaqada.
Qaar naga mid ah ayaa laga yaaba inay isku arkaan ku khasbidda nafta inay shaqeeyaan waqtiyo kala duwan sababta oo ah dabeecadda shaqadeena. Natiijo ahaan, waxa laga yaabaa inaan uga nugulnaano kuwa kale tiro dhibaatooyin caafimaad, nafsi, iyo Mid maskaxeed, iyo sido kale dhibaatooyin shakhsi ahaaneed, iyo nolosha bulshada sababta oo ah jadwalka shaqada ee kala duwan.
Tan iyo kacaankii warshadaha, qaybaha wax-soosaarka iyo adeegyada waxay isticmaali jireen kala bedelka waqtiyada shaqada si ay ukordhiyaan wax-soo-saarka iyo faaidada. Ka hor 1990-meeyadii, wax yar ayaa laga ogaa saamaynta waqti wareejinta shaqada uu ku leeyahay caafimaadka shaqaalaha.
Daraasad lasameeyey bartamihii 1999-meeyadii, iyada oo la adeegsanayo xogta bukaan-socodka ayaa lagu ogaaday in kalkaaliyaasha saacadaha shaqada ee habeenkii ay u badan tahay in uu ku dhaco kansarka naasaha iyada oo khatartaasi kor u kacdo hadba tirada sanadaha ay ku qaadatay qabashada shaqada kala beddelka.
Haddaba, waligaa ma ka fikirtay in kala wareejinta wakhtigaaga shaqada ay qayb ka tahay caafimaadka maskaxdaada ama jirka?
0 Comments