1. Cunista khudrad iyo midho caafimaad leh:
Midho sida tufaax, liinta, yaanyada, khudradaha cagaaran (sida spinach), iyo toonta waxay ka buuxaan antioxidants iyo fiber, kuwaas oo ufiican shaqada beerka.
2. Cabista biyo badan:
Biyuhu waxay caawiyaan beerka inuu si wanaagsan u nadiifiyo dhiigga. Haddii aad biyo yaraan dareento, sunta jidhka ku jirta way kugu badnaan kartaa.
■ Faaiido: Biyuhu waxay kaa caawiyaan beerka inuu sunta iyo wasakhda jirka si fiican uga saaro. Haddii jidhku biyo ku filan heysto, beerku si hufan ayuu u shaqeeyaa.
3. Cunto hodan ku ah antioxidants-ka.
■ Tusaale: Tufaax, lows (almonds), toonta, (apple cider vinegar).
■ Faa'iido: antioxidants-ku waxay yareeyaan caabuqa, waxayna ka ilaaliyaan beerka waxyeelada xag jirka ah (free radicals)
4. Baruurta caafimaadka leh (Health fats)
■ Tusaale: Avocado 🥑 saliid saytuun, kaluunka dufanka leh (sida salmon).
■ Faa'iido: waxay yareeyaan baruurta ku aruuri karta beerka (fatty liver), waxayna xoojiyaan shaqada beerka.
5. Ka fogaanshaha cabitaanka khamriga iyo daawooyinka aan loo baahnayn.
■ Sabab too ah: Khamrigu wuxuu dhaawac culus ugeysta unugyada beerka. Daawooyinka aan loo baahnayn (sida kuwa aan dhakhtar qorin) waxay sido kale culays saaraan beerka.
Talooyin dheeraad ah:
● samee jimicsi joogto ah si aad uyareyso buurnida.
● ilaali misaanka jidhka.
●cun cuntooyin hodan ku ah Faber (khudaar iyo miidhaha).
● iska baadh mararka qaar si aad u ogaato xaaladda beerkaaga ( gaar ahaan haddii aad leedahay dhibaatooyin caafimaad oo la xidhiidha beerka ama aad isticmaasho daawo joogto ah.
0 Comments