Toban kan qodob ee hoos ku qoran ayaa Aqoonyahanada caafimaadku aad ugu digeen waxaana ka mid ah:-
1. Biyo yari (loss of water)
Marka aan biyo kugu filan aad cabin, waxay keentaa in kalyahu si fiican ushaqayn wayaan, taasoo sababi karta ururka sunta jidhka.
2. Sonkorta dhiiga oo saraysa (diabetes)-(hyperglycemia):
Sonkor joogto ah oo aan laxakameyn waxay dhawawacdaa xididdada kalyaha, taasoo keenta kalyuhu inay si tartiib ah u shaqayn waayaan.
3.Cadaadiska dhiigga oo sareeya (Hypertension):
Cadaadiska dhiigga oo muddo dheer sareeya wuxuu dhaawaca neef-mareenka kalyaha, gaar ahaan qaybta sifaysa dhiigga.
4. Daawooyin loo isticmaalo si xad-dhaaf ah (sida xanuun baabi'iye):
Daawooyinka sida ibuprofen, diclofenac, ama aspirin marka si joogto ah loo isticmaalo waxay keeni karaan dhawac kalyaha ah.
5. Cunto milix badan leh (Salt overload)
Milixda badan waxay kor uqaaddaa Cadaadiska dhiigga waxayna keeni karta daal iyo dhaawac.
6. Buurnida xad dhaafka ah (Obesity):
Buurnidu waxay kordhisaa halista cadaadiska dhiiga, sonkorta, iyo cudurrada kale ee si dadban u waxyeeleeya kalyaha.
7. Cabitaanka khamriga iyo sigaarka.
Labadan waxay hoos udhigaan wareegga dhiigga waxayna dhaawacaan unugyada muhiimka ah ee kalyaha.
8. Infekshannada ku dhaca kaadi-mareenka (UTI)
Haddii aan sifiican loo daaweyn, waxay keeni kartaa caabuq khatar ah (pyelonephritis).
9. Hurdo yarid ama nasasho la,aan:
Marka hurdo fiican la seexan waayo ama nasasho fiican la heli waayo, jidhku ma heli Karo waqti uu ku hagaajiyo unugyada dhaawacmay, taasoo sameyn ku yeelata Kalyaha.
10. Isticmaalka maandooriyaha (daroogooyinka xun):
Maandooriyeyaasha sida cocaine, heroine, iyo xashiishadu waxay saameeyaan shaqada kalyaha iyo wareega dhiigga.
Sidee looga Hortagi Karaa Haddaba Samee Qodo badan:-
● Biyo badan cab.
● Sonkorta iyo cadaadiska dhiigga xakamee.
● isticmaal daawooyinka kalyaha marka dhakhtarku kuu qoro.
● Milixda iska yaree.
● Maandooriyaha & sigaarka ka fagow.
● la soco caafimaadkaaga oo talada dhakhaatiirta caafimaadka qaado.
0 Comments