LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Maqaarka Bini'aadamka - Xubinta Ugu Weyn Ee Jidhka.


Hordhac


Maqaarku waa daboolka dabiiciga ah ee ilaaliya jidhka bini'aadamka. Waa xubinta ugu weyn ee jidhka oo misaankeedu celcelis ahaan udhaxeeyo 3 ilaa 5 kiilo, waxayna ka kooban tahay saddex lakab oo waaweyn. Maqaarku ma aha oo keliya dabool muuqda, balse waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka difaaca jidhka, dareemaha taabashada, iyo xakameynta heerkulka jidhka.


Qaab-dhismeedka Maqaarka

Maqaarku wuxuu ka kooban yahay saddex lakab oo waaweyn:

1. Epidermis - Lakabka dibadda 

● waa lakabka ugu khafiifsan, laakin leh difaac weyn.

● wuxuu ka kooban yahay unugyo keratinocytes ah oo soo saara keratin.

● Melanocytes ayaa ku jira, kuwaas oo soo saara melanin si ay usiiyaan maqaarka midab.

● Lakabkani ma laha xidid dhiig, wuxuuna nafaqo ka helaa dermis.

2. Dermis - Lakabka Dhexe

● waxaa ku jira collagen iyo elastin oo siinaya xoog iyo dabacsanaan. 

● Waxaa ku jira xididdo dhiig, xididdo dareen, qanjidho dhidid iyo qanjidho saliid.

● Halkaas dermis ka ayey timuhu ka soo baxaan.

3. Hypodermis - Lakabka Hoose

● Waxaa ka sameysan unugyo baruur leh (adipose tissue).

● Waxay ka caawisaa jidhka kaydinta tamarta iyo ilaalinta kuleylka.

Shaqooyinka Maqaarka

1. Difaaca jidhka - Ka hortagidda jeermiska, kiimiko, iyo dhaawaca jidhka.

2. Xakameynta heerkulka - Dhidid iyo kala-balaadhinta xididdada dhiigga.

3. Dareemid - Dareenka taabashada, kulaylka, qabowga iyo cadaadiska.

4. Sameynta Vitamin D - Marka qorraxdu maqaarka gaadho.

5. Kaydinta - Dufan iyo biyo.

Cudurrada Caadiga ah ee Maqaarka

● Finan (Acne) - Qanjidhada saliida oo xidhma ayaa keenaya finanka.

● Eczema (Dermatitis) - Cuncun iyo finan.

● psoriasis - Unug maqaarka ah oo si xad-dhaaf ah u koraya.

Daryeelka Maqaarka

● Nadaafad joogto ah - isticmaal saabuun jilicsan iyo biyo nadiif ah.

● Ka hortagga qorraxda - Xidho dhar daboolan ama isticmaal sunscreen.

● Cunto Caafimaad leh - Khudaar, iyo midho, cabitaan biyo badan.

● ka fogow sigaarka iyo maandooriyaha - waxay dedajiyaan gabowga maqaarka.

Gunaanad 

Maqaarku waa difaaca ugu horreeya ee jidhkaaga. Daryeel maqaarkaaga si uu u ahaado mid caafimaad qaba, qurux badan, oo adkaysi leh. Adeegsiga cunto caafimaad leh, ka ilaalinta qorraxda iyo nadaafadda joogtada ahi waxay kaa caawin karaan inaad muddo dheer ku raaxaysato maqaarkaaga. 















#medical

Post a Comment

0 Comments