Tuberculosis (TB) waa cudur faafa oo inta badan ku dhaca sambabada, balse mararka qaarna saameeyaa xubnaha kale ee jidhka sida lafaha, qanjidhada iyo kalyaha. Cudurkan waxaa keena bakteeriya lagu magacaabo mycobacterium Tuberculosis. TB waa mid ka mid ah cudurrada ugu khatarta badan ee saameeya malaayiin qof sanad kasta, gaar ahaan waddamada horumarinta ku jira.
Sidee ayuu Ku Faafaa cudurka Tuberculosis?
Cudurka TB waxa uu ku faafa hawada marka qof qaba TB sambabada uu qufaco, hindhiso ama hadlo.
Bacteeriyadaasi waxay hawada ku sii jirtaa muddo, qof kale oo neefsada ayaa qaadi kara.
● Qof la nool bukaanka TB-ga
● Dadka difaacoodu hooseeyo (sida dadka qaba HIV/AIDS)
● Dadka aan helin daawooyin buuxa
Calaamadaha Ugu Waaweyn TB
● Qufac joogto ah oo ka badan 2 todobaad
● Qufac dhiig wata
● Miisaan lumis aan sabab lahayn
● Dhidid habeenkii ah
Qandho iyo daal badan
Haddii aad isku aragto calaamadahan, waxaa muhiim ah inaad la xidhiidho xarun caafimaad.
Sidee lagu Ogaadaa TB?
Dhakhaatiirtu waxay isticmaalaan tijaabooyin kala duwan:
● Baaritaanka qufaca (Sputum test)
● Sawirka sambabada (X-ray)
● Baaritaan dhiig ah
Daaweynta TB
Cudurka TB waa la daaweyn karaa, laakin waxa muhiim ah in bukaanku si joogto ah u qaato daawooyinka.
Daaweyntu waxay socotaa inta badan 6 ilaa 9 bilood. Waxaa muhiim ah:
● In uu bukaanku uusan joojin daawada xataa marka uu dareemo caafimaad
● In uu raaco tilmaamaha dhakhtarka
● In la ilaaliyo nadaafadda iyo cunto caafimaad leh
Sidee looga Hortagi Karaa TB?
Ka Hortaga TB waa arrin muhiim ah:
● Talaalka BCG (waa in lasiiya caruurta)
● In laga fogaado meelaha cidhiidhiga ah haddii bukaano TB ah joogaan
● In la isticmaao af-xir (mask) haddii qof qaba TB uu joogo agtaada
● In dadka qaba TB si degdeg ah loo daaweeyo si aanay u faafin
Gunaanad
Tuberculosis waa cudur la daaweyn karo, balse u baahan wacyigelin, ogaansho hore, iyo daaweyn joogto ah. Haddii aad isku aragto calaamadaha TB, ha sugin - la xidhiidh dhakhtar si aad u hesho baaritaan iyo daaweyn. Caafimaadkaagu waa noloshaada!
0 Comments