Wadnuhu uu xubinta ugu muhiimsan jidhka bini'aadamka, waana mashiinka shaqadiisu tahay in uu dhiigga uqaado dhammaan qaybaha jidhka. Iyadaa oo uu lashaqeeyo xididdada dhiigga iyo sambabada, wadnuhu wuxuu hubiyaa in uu unug kasta oo jidhka ah uu helo oksajiin iyo nafaqo ku filan. Shaqadiisa joogtada ah waxay ka dhigeysaa mid ka mid ah mucjisooyinka ugu cajiibsan ee nolosha.
Qaab-dhismeedka Wadnaha
Wadnuhu waa murqo xoog leh oo ku jira laabta, gaar ahaan dhinaca bidix ee dhexda. Cabbirkiisu wuxuu la mid yahay gacanta qof weyn, balse awooddiisu waa mid aan laqiyaasi karin. Wadnuhu wuxuu ka kooban yahay afar qol oo waawaeyn.
1. Atrialka Midig - Waxay dhiig aan oksajiin lahayn ka heshaa jidhka.
2. Atrialka Bidix - Waxay dhiig oksajiin leh ka heshaa sambabada.
3. Ventricle Midig - Waxay dhiig aan oksajiin lahayn u dirtaa sambabada.
4. Ventricle Bidix - Waxay dhiig oksajiin leh udiraysaa jidhka oo dhan.
Qololkan waxaa u dhexeeya waalo (valves) kuwaas oo xakameeya jihada dhiiggu u socdo, kana hortaga in uu dib ulaabto.
Shaqada Wadnaha
Wadnuhu wuxuu shaqadiisa ku fulinayaa iyadoo uu ku garaacmayo garaacyo joogto ah. Garaaca wadnaha (heartbeat) wuxuu dhacaa qiyaastii 60-100 jeer daqiiqadii marka qofku nasto. Marxaladaha shaqadiisa waxaa loo kala saaraa:
1. Diastolic - Wadnuhu wuu fidsan yahay, dhiig ayaa ku soo qulqulaya.
2. Systolic - Wadunhu wuu isku ururaa, dhiig ayaana laga tuuraa qololka.
Wareegga Dhiigga
Wadnaha wuxuu ka shaqeeyaa laba wareeg oo waaweyn;
● Wareegga Sambabada - Dhiig aan oksajiin lahayn ayaa la geeyaa sambabada, halkaas oo uu ku helayo oksajiin, kadibna dib lugu soo celiyo wadnaha.
● Wareegga jidhka - Dhiig oksajiin leh ayaa laga diraa wadnaha si uu u gaadhsiiyo jidhka oo dhan.
Daryeelka Wadnaha
In la ilaaliyo caafimaadka wadnaha waa lama huraan. Tallaabooyinka ugu muhiimsan waxa ka mid ah:
● Cunto caafimaad leh: Cun khudaar, miidho, kalluun, iyo cunto yar dufan leh.
● Jimsi joogto ah: Socodka, orodka, dabaasha, ama ciyaaraha fudud.
● Ka fogaanshaha sigaarka iyo khamriga: Waxay dhawacaan xididdada dhiigga iyo muruqa wadnaha.
● Xakameynta walbahaarka (stress): Neefsasho qoto dheer iyo nasasho joogto ah.
● Kormeer caafimaad: hubi dhiig karka, sonkorta, iyo kolestaroolka.
Cudurrada Wadnaha ee Caanka ah
1. Dhiig karka (Hypertension) - Cadaadiska dhiiga oo joogto u sarreeya.
2. Xanuunka halbowlayaasha wadnaha (coronary Artery Disease) - Xididdada dhiigga ee quudiya wadnaha oo cidhiidhi noqda.
3. Qabatin wadnaha (Heart Attack) - Qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo dhaawacma sababtoo ah dhiig la,aan
4. Garaaca wadnaha oo aan caadi ahayn (Arrhythmia) - wadnaha oo garaac aan joogto ahayn yeesha.
5. Fashilka wadnaha (heart failure) - wadnaha oo awoodii waaya in uu dhiig ku filan qaado.
Xog xiiso leh oo ku saabsan wadnaha
● wadnuhu wuxuu garaacaa in ka badan 100,000 jeer maalintii
● Maalintii wuxuu dhiig ku wareejiya qiyaastii 7,500 litir.
● Garaaca wadnaha qofka jecel marka uu arko qofka uu jecel yahay ayaa mararka qaar si dabiici ah kordha.
Gabagabo
Wadnuhu waa halbowle nolosha bini'aadamka. Daryeelkiisu wuxuu ka dhigan yahay cimridheer, caafimaad wanaagsan iyo nolol firfircoon. Cunto caafimaad leh, jimicsi joogto ah iyo ka fogaanshaha cuntooyinka waxyeellada leh ayaa ah sirta wadne caafimaad qaba. Haddii aad rabto nolol caafimaad leh, bilow inaad maanta daryeesho mashiinkaga nololeed - wadnahaaga.
Most Popular Health and Wellness Hashtags for Influencers https://share.google/1jllIvHHJ4PvG3fHW
0 Comments