LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Cudurka Kansarka: Sababaha, Calaamadaha iyo Ka Hortagga.

 Hordhac 

Cudurka kansarka waa mid ka mid ah cudurrada ugu halista badan ee caalamka ka jira, wuxuuna sanad walba sababa dhimashada malaayin qof. Kansar waxaa loola jeedaa marka unugyada jidhka ay si aan caadi ahayn u koraan, una faafaan qaybaha kala duwan ee jidhka. Waxaa jira noocyo badan oo kansar ah sida kansarka naasaha, hunguriga, beerka, sambabada iyo kuwa kale. Inkastoo uu yahay cudur adag, haddana fahamka sababihiisa, calaamadaha iyo sida looga hortagi karo waxay muhiim u tahay badbaadada badbaadada bulshada.

Sababaha ugu waaweyn ee keena kansarka

1. Qaab nololeedka aan caafimaad qabin - cabbitaanka sigaarka, khamriga iyo cunista cuntooyinka dufanka badan ayaa kordhiya halista.

2. Hereditary (hidda-sidaha)- Haddii qayskaaga hore ugu jireen cudurrada kansarka, waxaa jira fursad sare oo uu qofku qaado.

3. Wasakhowga deegaanka - Qiiqa warshadaha, kiimikooyinka iyo walxaha sunta ah ayaa dhaawici kara unugyada jidhka.

4. Caabuqyo joogta ah - Qaarkood waxay keeni karaan isbeddel unugyada ah oo sababa kansar.

Calaamadaha iyo astaamaha kansarka 

Kansarka wuxuu leeyahay calaamado kala duwan iyadoo ku xidhan meesha uu ku dhaco. Si kastaba ha haatee, astaamaha guud waxaa ka mid ah: 

● Miisaanka oo si kedis ah u yaraada.

● Daalka oo joogtada noqda xitaa marka la nasto.

● Dhiig-bax ama nabarro aan bogsan.

● Isbeddel ku yimaada caloosha, saxarada ama kaadida.

Ogaanshaha calaamadaha hore ayaa fure u ah badbaadada, waayo kansarka hore laga ogaado waa la daweyn karaa.

Ka hortagga cudurka kansarka 

Inkastoo cudurka kansarka aan marwalba laga Hortagi karin, haddana waxaa jira talaabooyin waxtar leh oo qofka badbaadin kara:

1. Cunto caafimaad leh - Cun khudrad iyo miraha badan, yaree dufanka iyo hilibka aad ka u badan.

2. Jimicsi joogto ah - Dhaqdhaqaaqa jidhka wuxuu ka hortagaa cayilka oo sababa kansar.

3. Ka fogaanshaha sigaarka iyo kahmriga - labadan waa Sababaha ugu badan ee keena kansarka sambabada iyo beerka.

4. Hubinta caafimaadka - Baadhitaano joogto ah oo caafimaad waxay ka caawin karaan in kansarka hore loo ogaado.

5. Ka fogaanshaha qorraxda badan - waxaay keeni kartaa kansarka maqaarka (skin)

Daaweynta cudurka kansarka 

Daaweynta kansarka waxay ku xidhan tahay nooca iyo heerka uu cudurku marayo. Hababka ugu badan waa:

● Qalliinka (Surgery) - waa marka laga saarayo qaybta cudurku ku dhacag.

● Shucaac (Radiotherapy) - waxaa lagu burburiyaa unugyada kansarka.

● Kiimiko (Chemotherapy) - Daawooyinka xooga leh ee dilaya u unugyada cudurka.

● Daaweynta cusub (immunotherapy and Targeted therapy) - waxay caawiyaan jidhka in uu la dagaallamo kansarka si ka waxtar badan.

Gunaanad

Cudurka kansarka waa dhibaato caafimaad oo weyn oo caalami ah, balse waxa jirta fursad lagaga hortago laguna yareeyo halistiisa. Qaab nololeed caafimaad leh, ka fogaanshaha waxyaabaha waxyeellada leh, iyo hubinta caafimaadka ayaa ah difaaca ugu weyn ee qof walba qaadan karo. Fahanka iyo wacyigelinta bulshada waa tallaabada koowaad ee lagula dagaallamo cudurkan halista ah.












 bloggers,

 #blogging,

 and #wordpress, 

while you can use

Post a Comment

0 Comments