Hordhac
Macaanku waa cudur ku dhaca habka jidhka ee dheefshiidka sonkorta. Marka jidhku uusan soo saarin insulin ku filan ama uusan si wanaagsan uga faa'iidaysan, heerka sonkorta dhiigga ayaa kor u kaca. Tani waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo daran sida cudurrada wadnaha, kalyaha iyo indhaha. Waxaa la qiyaasaa in malaayiin qof oo dunida ku nool ay qabaan macaanka, waana mid ka mid ah caqabadaha caafimaad ee ugu badan qarniyadan.
Noocyada Macaanka
Macaanka waxaa loo kala saaraa saddex nooc oo waaweyn:
1.Macaanka Nooca 1-aad
Cudurkan wuxuu dhacaa marka u unugyada jidhka ee insulin sameeya (pancreas) ay gabi ahaanba joojiyaan shaqadooda. Badanaa wuxuu ku bilaabmaa caruurta iyo dhalinyarada. Bukaanku waxay ubaahan yihiin irbad insulin maalin kasta.
2.Macaanka Nooca 2-aad
Waa nooca ugu badan. Jidhka ayaa insulin sameeya, laakin si sax ah uma isticmaalo (insulin resistance). Waxay ku badan tahay dadka waaweyn, gaar ahaan kuwa burbuuran ama dhaqdhaqaaqa yar.
3.Macaanka uurka
Wuxuu ku dhaca haweenka uurka leh. Inkasta oo inta badan uu baaba'o ka dib marka ilmuhu dhasho, haddana wuxuu kordhiyaa khatarta ah in qofku mustaqbalka qabo macaanka nooca 2-aad.
Calaamadaha Lagu Garto Macaanka
Qofka qaba macaanka wuxuu la kulmi karaa calaamado kala duwan oo ay ka mid yihiin:
● Haraad farabadan iyo kaadida oo soo noqnoqata
● Misaanka lumis aan sabab lahayn
● Daal badan
● Indhaha oo daciifa ama aragga oo luma
● Nabarrada oo si gaabis ah u bogsada
● Gamcaha iyo lugaha oo dareen la,aan noqda (neuropathy)
Haddii calaamadaha la iska indho tiro, cudurku wuxuu keeni karaa dhibaatooyin halis ah.
Sababaha iyo Khatarta Macaanka
Macaanku kuma yimaado si kedis ah, balse waxaa jira arrimo khatar ku kordhiya, sida:
● Cunto Sonkor iyo dufan badan leh
● Misaanka xad-dhaaf ah (buurnaan)
● Dhaqdhaqaaq la,aan joogto ah
● qoys hore ugu jiray macaanka (Family history)
● Da,da oo sii korodha
● Cadaadiska dhiigga oo sarreeya (Hypertension)
Dhibaatooyinka Ka Dhasha Macaanka
Macaanka haddii aan la xakameyn wuxuu sababi karaa:
● Xanuunada wadnaha iyo xididdada dhiigga
● Dhibaatooyinka kelyaha (Renal failure)
● indho la,aan iyo dhaawac aragga ah (retinopathy)
● Lugaha oo dhaawacma ama la gooyo (diabetic foot)
● Dhibaatooyin maskaxeed iyo dareen daciif ah
Ka Hortagga iyo Maaraynta Macaanka
Inkasta oo macaanku yahay cudur nololeed, haddana waxaa jira siyaabo lagu xakameeyo:
Hab-Nololeed Caafimaad leh
● cun cunto isku dheelli tiran oo ay ku badan yihiin khudaarta, midhaha iyo badarka.
● Ka fogow cabitaannada sonkorta badan leh sida cabitaanka fudud.
● Samee jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta.
● Iska ilaali cayilka iyo miisaanka kordhinta.
Kormeer Caafimaadkaga
● Hubi heerka sonkorta dhiigga si joogta ah.
● La soco cadaadiska dhiigga iyo kolestaroolka.
● U tag dhakhtarka si aad ula socoto heerka caafimaadkagu maraayo.
Daaweynta
● Qaar badan oo qaba macaanka waxay isticmaalaan daawooyin afka laga qaato.
● Bukaanka naaca 1-aad iyo kuwa qaarkood ee nooca 2-aad waxay isticmaalaan irbad insulin.
● Isbadelka nolosha iyo daawadu waa labada fure ee ugu muhiimsan.
Gunaanad
Macaanku waa cudur si weyn u saameeya bulshada, laakin waa mid la xakameyn karo. Hab nololeed caafimaad leh, kormeer joogta ah iyo la socod caafimaad ayaa ah dariiqa ugu fiican ee looga hortago dhibaatooyinka uu keeno. Ogaanshaha hore iyo wacyigelinta bulshada ayaa muhiim u ah badbaadada bulshada iyo caafimaadka qof walba.
WellnessTips
#HealthHacks
#MindBodySoul
#WellnessJourney
#HealthyChoices
#SelfCareTips
#NaturalWellness
#WellbeingWarrior
#HealthyHabits
#FitnessHacks
#MindfulnessPractice
#NutritionTips
#MentalHealthMatters
#HealthyMindset
#LifestyleChanges
0 Comments