LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Essential Vitamins for the Human Body What Is Needed and How do supplements help?


 Jidhka Bini'aadamka waa mashiin aad u yaab badan oo si joogto ah u shaqeeya maalintii iyo habeenkii. Si uu mashiinkan qiimaha badan  u shaqeeyo, waxaa uu u baahan yahay vitamino iyo macdano muhiim ah. Qaar ka mid ah nafaqooyinkan waxa aynu ka helnaa cuntada, laakin mararka qaarkood jidhku uma helo qaddarka saxda ah. Halkaas ayaa ay ka soo baxaan Supplements-ku, kuwaas oo buuxiya meelaha banaan ee nafaqada jidhka looga baahan yahay.

Maqaalkan waxa uu si qoto dheer uga hadlayaa vitaminada ugu muhiimsan ee jidhku u baahan yahay, waxa ay qabtaan, iyo sababta dadka qaarkood ugu baahan yihiin inay isticmalaan supplements si ay u buuxiyaan baahida jidhkooda.

1. Vitamin D - Vitamin-ka qorraxda ee lagama maarmaanka u Ah caafimaadka Lafaha & Difaaca Jidhka

Vitamin D waa mid ka mid ah vitaminada ugu adag ee jidhku helo, gaar ahaan dadka ku nool deegaano aan qorrax badani ka dhicin. Vitamin D waxa uu ka qayb qaataa:

● dhisidda lafaha adkaysiga leh 

● Kor u qaadista difaaca jidhka 

● Ka hortagga daalka iyo murqaha oo daciifa

● Dejinta dheefshiidka Calcium-ka 

Inkasta oo qorraxdu tahay isha ugu weyn ee Vitamin D, haddana dad badan - gaar ahaan kuwa shaqada gudaha ku badan - waxay u baahan yihiin supplements si ay u helaan qaddarka saxda ah ee maalinlaha ah.

2. Vitamin C - Vitamin-ka ka Hortaga caabuqa iyo ka Qayb Qaata Quruxda Maqaarka

Vitamin C waa antioxidant awood leh. Waxa uu jidhka ka ilaaliyaa waxyeelada xagjirnimada (free redicals) 

Wuxuuna ka qayb qaataa:

● Difaaca jidhka oo xoogaysta

● Bogsiinta nabarrada 

● Samaynta Collagen-ka oo maqaarka adkeeya

● Ka hortagga hargabka qaarkood 

Sababtoo ah Vitamin C jidhku ma kaydsado, waxa had iyo jeer fiican in la cuno cuntooyin hodan ku ah sida liinta, cambe, yaanyada ama in la isticmaalo supplement 500-1000 mg ah haddii loo baahdo.

3. Vitamin B12 - Tamarta, Maskaxda & Dhiig-samaynta jidhka

Vitamin B12 waxa uu ka mid yahay vitaminada ugu muhiimka badan ee lagama maarmaanka u ah:

● Samaynta dhiigga cas 

● Shaqada maskaxda

● Xasuusta iyo feejignaanta

● Tamarta jiidhka 

Dadka cunada xoolaha ka fogaada (vegetarians ama vegans), dadka waayeelka ah, ama kuwa dhibaato ka qaba dheef-shiidka waxa si gaar ah ugu badan yaraanta Vitamin B12. Supplements-ka B12 waa kuwa aad wax u taraya jidhka oo kor u qaada tamarta maalintii.

4. Vitamin A - Ilaalinta Indhaha iyo Difaaca Jidhka 

Vitamin A waxa uu muhiim u yahay:

● Caafimaadka aragga 

● Difaaca jidhka 

● Kobaca unugyada 

● Ilaalinta maqaarka 

Inkasta oo cuntada sida beerka, ukunta iyo subaggu ay bixiyaan Vitamin A, haddana mararka qaar dadka leh dhibaatooyin nafaqo-darri ah waxay u baahan karaan supplements. 

5. Vitamin E - Ka Hortagga Gabowga iyo Daryeelka Maqaarka 

Vitamin E waa antioxidant awood leh oo caawiya:

● Ilaalinta maqaarka 

● Ka hortagga gabowga degdega ah 

● Xoojinta difaaca jidhka 

● Dhiig wareegga 

Supplements-ka Vitamin E waa kuwa si weyn loo isticmaalo, gaar ahaan dadka doonaya maqaarka oo dhalaala oo caafimaad qaba.

6. Multivitamins - Isku -darka Nafaqada oo Hal Kiniin Ku jira 

Qaar ka mid ah dadka waxay ku adkaataa inay helaan dhammaan vitaminada maalin kasta, waxaana u fudud Multivitamins. Kiniinkani waxa uu ka kooban yahay:

● Vitamin A

● Vitamin B complex 

● Vitamin C

● Vitamin D

● Vitamin E 

● Macdanaha muhiimka ah sida zink, selenium, iyo Magnesium 

Multivitamins-ku waxay ka caawiyaa jidhka inuu helo taageero nafaqo oo dhamaystiran, gaar ahaan dadka mashquulka ah, ardayda, shaqaalaha xafiisyada iyo dadka safarka badan.

Maxay Supplements-ku uga muhiim yihiin Caafimadka maanta

Dunida casriga ah ee maanta:

● Cuntooyinka la warshadeeyey ayaa batay 

● Socodka iyo qorrax helidu way yaraadeen

● Stress-ku waxa uu kordhiyay baahida jidhka ee Vitamin-ka 

● Dad badan ma helaan cuntada dhammaystiran 



Post a Comment

0 Comments