LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dhiig-Karka: (Hypertension) Cudurka Aamusnaan ah oo U Baahan Inaan Wada Ogaano.








 Hordhac 

Dhiig-karka (Hypertension) waa xaalad caafimaad oo ay cadaadiska dhiigga ee xididdada dhiiggu ka bato intii caadiga ahayd. Waa cudur aamuusnaan ku bilaabma oo aan badanaa lahayn calaamado cadcad, balse si tartiib tartiib ah u dhaawici kara wadnaha, maskaxda, iyo kalyaha. Hay'adaha caafimaadka caalamka sida WHO ayaa ku qiyaasay in in ka badan 1.2 bilyan oo qof ay qabaan dhiig-karka dunida oo dhan, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah caqabadaha caafimadka ee ugu badan.

Maxaa Keena Dhiig-Karka?

Sababaha keena dhiig-karka waa isku dhaf ah oo ku lug leh hidde-sidaha, nolol maalmeedka, iyo xaalado caafimaad kale. Qaar ka mid ah arrimaha ugu waaweyn waa:

● Cunto cusba badan leh: isticmaalka milixda badan ayaa kordhiya cadaadiska dhiigga.

● Cimri korodhka: Da'da oo sii korodhaa waxay ka mid tahay sababaha ugu badan.

● Cadaadiska Maskaxda: (stress) iyo dhaqaaq la,aanta.

● Misaan xad-dhaaf ah:(buurnaan) Buurnaantu waxay kordhisaa culayska wadnaha iyo xididdada dhiigga.

● Cabidda sigaarka iyo khamriga: waxay dhaawacan xididdada dhiigga. 

Calaamadaha iyo Halista

Dhiig-Karka badanaa wax calaamado ah ma laha, sidaas darteed ayaa loogu yeedha "cudur aamusnaan ah." Dadka qaar waxay mararka qaar dareemaan:

● Madax xanuun soo noqnoqda 

● Wareer ama dawakhaad 

● Neef- qabad fudud

● Aragga oo isbeddela 

Haddii dhiig-karka la dayaco, wuxuu keeni karaa dhibaatooyin halis ah sida

● Wadno qabad (heart attack)

● Faalig (stroke)

● Kelyaha oo hawl gab noqda

● xididdada dhiigga oo adkaada

Sida Loo Ilaaliyo Caafimaadka Dhiiga

Ka hortagga dhiig-karka waa arrin qof walba uu samayn karo iyadoo nolol maalmeedkiisa wax ka beddela:

1. Cun cunto  caafimaad leh- yaree cusbada, kordhi khudradda iyo midhaha.

2. Dhaqdhaqaaq jireed oo joogta ah- Ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii socod, orod ama jimicsi kale.

3. Ka fogaanshaha sigaarka iyo kahmriga .

4. Yareynta walbahaarka - Qaado nasasho badan iyo hurdo kugu filan.

5. Misaan caafimaad leh- Haddii aad cayilan tahay, yaree misaanka si tartiib ah.

5. La socod joogta ah- Qof kasta oo ka weyn 30 sano waa inuu iska cabiraa dhiigiisa ugu yaraan sanadkii hal mar.

Daaweynta

Haddii dhakhtar kuu xaqiijiyo inaad qabto dhiig-kar, waxaa jira laba waddo oo daaweyn ah: 

● Isbeddel hab nololeedka: Cunto, jimicsi iyo ka fogaanshaha caadooyinka khatarta leh.

● Daawooyinka dhiig-karka: waxaa jira daawooyin kala duwan oo dhakhaatiirtu u qoraan iyadoo lagu saleynayo xaaladdaada. Waa muhiim in aan daawooyinka loo qaadan si iskii ah.

Gunaanad

Dhiig-karka waa cudur si tartiib ah u dhaawici kara xubnaha muhiimka ah ee jidhka, balse waa mid si fudud loo ogaan karo loona xakameyn karo haddii qofku ku baraarugsan yahay. Baaritaan joogto ah, nolol caafimaad leh, iyo lasocodka dhiigga waa furaha ka hortagga iyo xakameynta dhiig-karka.









#Wellness

#HealthAndWellness

#WellnessJourney

#MindBodySoul

#SelfCare

#HealthyLifestyle







Post a Comment

0 Comments