Hordhac
Maxaa Sababa Typhoid?
Sababta ugu weyn ee Typhoid waa bakteeriyada Salmonella Typhi oo ku timaadda:
● Biyo wasakhaysan: Marka la cabo biyo aan la sifeeynin ama aan la karkarin.
● Cunto wasakhaysan: Sida khudaarta, hilibka iyo cuntooyinka lagu diyaariyo xaalad nadaafad darro ah.
● Nadaafad la,aan: Dadka aan qamcaha dhaqanin ka dib musqusha ama ka hor cuntada.
● Qof cudur qaba: Dadka qaba Typhoid waxay bakteeriyada ku gudbin karaan dadka kale iyaga oo aan ka muuqan calaamado mararka qaarkood.
Calaamadaha Cudurka Typhoid
Calaamadaha Typhoid ma soo baxaan isla markiiba badanaa waxay qaataan 7 ilaa 14 maalmood ka dib marka bakteeriyadu jidhka gasho. Calaamadaha ugu badan waa:
1. Qandho joogto ah oo sareysa.
2. Madax xanuun iyo tabar darro.
3. Lalabo iyo matag.
4. Calool xanuun ama calool istaag.
5. Xanuun muruqyada iyo kala goysyada ah.
6. Barar caloosha iyo dhidid badan.
7. Qaar ka mid ah dadka waxaa ka soo baxa finan cas oo maqaarka ah.
Haddii aan cudurkan la daaweyn, waxa uu sababi karaa dhiig bax caloosha ah, dalool ku samaysma midhicirka, ama xitaa dhimasho.
Sida Loo Ogaado Typhoid
Dhakhaatiirta waxay adeegsadaan baadhitaano kala duwan si loo xaqiijiyo cudurka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
● Tijaabada dhiiga(Blood test) - si loo ogaado bakteeriyada.
● Tijaabada saxarada ama kaadida - lagaga raadiyo bakteeriyada.
● Tijaabooyin dheerad ah - haddii calaamadaha aad u daran yihiin.
Daaweynta Typhoid
Typhoid waa cudur la daaweyn karo, laakin waxa uu ubaahan yahay in si degdeg ah loo helo daawo.
● Antibiotics: Dhakhtarku waxa uu qori karaa daawooyin dilaya bacteeriyada Salmonella Typhoid.
● Cabitaan badan: Biyaha nadiifta ah iyo cabitaannada kale waxay ka caawiyaan jidhka inuu iska ilaaliyo fuuqbax.
● Nasasho iyo cunto caafimaad leh: si uu jidhku u helo xoog.
Mararka qaarkood, haddii uu cudurku aad udaran yahay, qofka waxaa lagu daaweeya cisbitaal.
Sidee Looga Hortagi Karaa Typhoid?
Ka hortagga cudurkan waa muhiim, gaar ahaan meelaha uu ku badan yahay. Tallaabooyinka ugu muhiimsan waa:
1. Cab biyo nadiif ah - isticmaal biyo la karkariyay ama shaandho lagu sifeeyay.
2. Cuntada si fiican ukari - gaar ahaan hilibka iyo ukunta.
3. Gacmo dhaqid joog to ah - ka hor cuntada iyo ka dib musqusha.
4. Nadaafadda deegaanka - ku dadaal in qashinka iyo musqulaha si wanaagsan loo maamulo.
5.Tallaalka Typhoid - dalal badan waxaa laga heli karaa tallaalka ka hortagga cudurka.
Gubagabo
Typhoid waa cudur faafa oo khatar ku ah nolosha, balse si fudud ayaa looga hortagi karaa haddii la ilaaaliyo nadaafadda, la cabo biyo nadiif ah, lana cuno cunto si fiican loo kariyey. Haddii calaamado la mid ah Typhoid lagu arko qof, waa in si degdegbah dhakhtar loola xidhiidha. Wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta nadaafaddu waa hubka ugu weyn ee lagaga hortagi karo cudurkan.
.jpeg)
0 Comments