LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Supplements iyo Doorka Casriga ah ee Caafimaad iyo Wax-soo-saarka


Hordhac

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa dunida kusii xoogaystay isticmaalka supplements (kaabayaasha caafimaadka) kuwaas oo lagu daro cuntooyinka si ay u xoojiyaan jidhka, maskaxda iyo guud ahaan caafimaadka qofka. Dad badan ayaa maanta ku tiirsan supplements si ay u buuxiyaan farqiga ka dhasha nafaqo la,aanta, shaqo badan iyo cunto aan dheeli tirnayn. Qoraalkan wuxuu qayb ka yahay taxanaha aan hore uga bilownay blogga Abdirahman Qarwash, annagoo ka hadleyna sida caafimaadka wanaagsan, nafaqada iyo supplements-ku ugu noqon karaan maalgashi faa'iido leh qofkasta.


Waa Maxay Supplements? 

Supplements waa kaabis nafaqo (nutritional supplements) oo lagu qaato qaabab kala duwan sida kiniin, budo, casiir ama kapsal. Waxaa ka mid noqon kara:

Vitamin & Minerals: Vitamin D, Iron, iwm.

● Protein & Amino Acids: Ku haboon dadka jimicsiga sameeya.

● Herbal & Natural Extract: sida turmeric, ginger iyo ginseng.

● Omega-3 Fatty Acids: wuxuu taageera maskaxda iyo wadnaha.

Supplements ma aha beddel cunto caafimaad leh, balse waxay buuxiyaan farqiga jidhka ka dhasha.

Maxay Supplements Muhiim U Yihiin.

1. Xoojinta Caafimaadka Guud - Waxay kor u qaadan difaaca jidhka.

2. Jimicsiga iyo Fitness ka - Protein powder iyo creatine ayaa caawiya koritaanka murqaha iyo soo kabashada.

3. Maskax iyo Diirad - Supplements-ka  sida Omega 3 waxay xoojiyaan xasuusta iyo feejignaanta.

4. Ka Hortagga Daalka - Multivitamins ayaa yareeya tamar-darrada iyo daalka joogtada ah.

Suuqa Supplements iyo Fursadaha Dhaqaale

Suuqa supplements-ka waa mid sii fidaya, waxaana lagu qiyaasaa billion dollars sanad walba. Taasi waxay ka dhigeysaa fursad weyn oo ay ganacsatada online-ka (affiliate marketers) uga faa'iidaystaan ClickBank, halkaas oo aad ka heli karto supplements tayo leh oo aad ku xayeysiiso bloggaaga.

Tusaale Fursado Affiliate ah:

● Weight Loss Supplements (ka caawiya misaan dhimista)

● Muscle Building Supplements 

● Brain Boosters & Energy pills

● Immune Support Vitamins

Sidee Loogu Darsan Karaa Nolol-Maalmeedka?

● Qofka shaqo badan haya wuxuu qaadan karaa Multivitamins si uu uga hortago daal iyo nafaqo la'aan.

● Dadka jimicsiga sameeya waxay ku dari karaan Protein powder si ay murqaha u joojiyaan.

● Dadka ardayda ah iyo kuwa shaqooyinka maskaxda badan haya waxay ka faa'iidi karaan Omega-3 si ay uyeeshaan xasuus fiican.

Talooyin Muhiim ah.

1. La tasho dhakhtar ka hor intaadan bilaabin supplements cusub.

2. Ka dooro supplements tayo leh oo leh FDA approval ama sumado la hubo.

3. Isku dheeli tir cunto caafimaad leh + supplements. 

4. Ku dar jimicsi iyo nasasho wanaagsan.

Gunaanad

Supplements ma aha wax lagu beddelo cunto caafimaad leh, balse waa kaabis muhii ah oo taageeri kara jidhka, maskaxda iyo wax-soo-saarka qofka. Blogga Abdirahman Qarwash wuxuu sii wadi doonaa ka hadalka mowduucyo la xidhiidha caafimaadka iyo ganacsiga online-ka, si aad u hesho macluumaad caafimaad + fursado dhaqaale.




Post a Comment

0 Comments